top of page

Labo arrin oo dad badan aysan ka ogayn fannanaadda Xamdi Bilan

  • Writer: Times of Xamar
    Times of Xamar
  • Sep 26, 2024
  • 1 min read

Fannaanadda da'da yar ee Xamdi Bilan ayaa THE TIMES OF XAMAR-uga sheekeysay taariikhdeeda faneed iyo arrimo la xiriira nolosheeda.


Xamdi oo ka tirsan fannaaniinta sida wayn loo xiiseeyo ee ku nool magaalada Muqdisho.

Waxa ay ku dhalatay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, balse waxa ay ku barbaartay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay waxbarashadeeda aasaasiga ah ku soo qaadatay.


Fanka waxay kusoo biirtay 2013-kii ilaa 2014-kii, oo ay ku billowday ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, sida ay ku shegetay wareysiga gaarka ah ee ay siisay TIMES OF XAMAR

Maadaama fanka ay qayb ka yihiin ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, sida dhaantada, wilisiqada iyo ciyaar walba oo hidde iyo dhaqan ah, marka aad kuwaas billowdo sidaas ayaad fanka ugu jirtaa," ayay tiri Xamdi.


Muddo yar kaddib markii ay ciyaaraha dhaqanka wadday, Xamdi Bilan waxa ay billowday in ay si toos ah heesaha ugu luuqayso. Heesteedii ugu horraysay waxa ay soo baxday sanadkii 2015 Mid ka mid ah heesaheeda loogu jecel yahayna waa "Love Love" oo ay curisay gabar kale oo abwaanad ah oo lagu magacaabo Caraweelo.


Heesaheyga inaan dhageysto ma jecli

Xamdi Bilan oo aan wax ka waydiinnay heesha ay ugu jeceshahay ambunnadeeda ama ay xiisayso dhageysigooda ayaa noo shegetay in shakhsi ahaan aysan u jecleyn inay iyada is-dhagaysato. Aniga inaan is-dhagaysto ma jecli," ayay yiri iyadoo qoslaysa.


"Waa la i dhagaystaa laakiin aniga dookhayga ma aha inaan is-dhagaysto, xitaa qof ila jooga haddii uu iga codsado ama saaxiibbada TikTok ay iga dalbadaan inaan heesahayga u daaro waxaan u daaraa anigoo aan ku faraxsanayn," ayay sii raacisay.

Comments


Top Stories

Bring global news straight to your inbox. Sign up for our weekly newsletter.

  • Facebook
  • Twitter

© Copyright © 2022  TOX -THE TIMES OF XAMAR. All Rights Reserved.

bottom of page