Madaxweynaha Faransiiska Macron oo taageeray dadaallada Itoobiya ee dib-u-habaynta daynta.+Sawiro
- Times of Xamar
- Dec 22, 2024
- 1 min read

ADDIS ABABA, Dec 21 (The times Of xamar) - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Sabtidii muujiyay taageero buuxda oo ku aaddan dadaallada Itoobiya ay ku wajaheyso dib-u-habeynta daynta, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in xal degdeg ah la gaaro "todobaadyada soo socda."
Taageeradan uu bixiyay Macron, oo booqasho ku jooga Itoobiya kadib markii uu istaag ku sameeyay Djibouti, ayaa timid kadib markii Itoobiya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ay bishii hore gaareen heshiis ku saabsan dib u eegistii labaad ee barnaamijka maalgelinta ee $3.4 bilyan ah.
"Mahadsanid dadaalkaaga ku wajahan barnaamijka dib-u-habaynta ee aad hogaamineyso, waxaan rajeynaynaa inaan dhammaystirno dib-u-habeynta daynta 3 bilyan oo euro ah toddobaadyada soo socda," ayuu Macron ka sheegay shir jaraa’id oo uu wadajir ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Wuxuu intaas ku daray in Faransiisku uu si buuxda u taageersan yahay wadahadalka socda ee lala leeyahay IMF, isagoo tilmaamay kulan muhiim ah oo la qorsheeyay in la qabto bartamaha bisha Janaayo.


















Comments