Madaxweyne DENI oo isku diyaariyay dagaal cusub iyo halka uu ku wajahan yahay
- Times of Xamar
- Sep 26, 2024
- 1 min read
Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo Talaadadii booqday xarunta taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad ayaa sheegay in Puntland ay qaadeyso dagaal cusub oo ka dhan ah kooxaha argagixsada.
Deni oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan kuwa Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan guluf ka dhan ah Al-Shabaabka iyo Daacishta ku sugan dhulka buuraha ee gobollada Sanaag iyo Bari ee maamulkaasi, si halkaasi looga saaro.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa faray ciidamada uu la kulmay inay isku diyaariyaan howlgallada cusub ee ka bilaabanayaan gobolladaasi oo ay ka qayb-geli doonaan.

















Comments