top of page

Mareykanka oo rajo ka muujinaya in colaadda Qasa xal loo helo

  • Writer: Times of Xamar
    Times of Xamar
  • Nov 28, 2024
  • 1 min read

Ergeyga Mareykanka ee ka qeyb qaatay wada xaajoodka xabad joojinta Israa‘iil iyo Xisbullah ayaa sheegay in heshiisku uu furi karo heshiis kale oo lagu soo afjarayo dagaalka Qasa. Amos Hochstein ayaa BBC-da u sheegay in xabad joojinta Xisbullaah iyo Israa‘iil ay ka dhigan tahay in Xamaas ay hadda kali ku tahay


colaadda Bariga Dhexe, halka Israa'iil aysan hadda ku qasbaneyn inay la dagaalanto laba dhinac.

Mr Hochstein waxa uu sheegay in kala fogaynta labada isku dhac ay tahay arrinta fududaysay heshiiska. Xisbullaah ayaa horay ugu adkeystay in ay joojin doonto oo kaliya weerarada ay ku heyso Israa’iil haddii xabad joojin laga sameeyo Qasa.

Comments


Top Stories

Bring global news straight to your inbox. Sign up for our weekly newsletter.

  • Facebook
  • Twitter

© Copyright © 2022  TOX -THE TIMES OF XAMAR. All Rights Reserved.

bottom of page