top of page

Maxaa looga hadlayaa shirka golaha wadatashiga Qaran oo galay maalintii labaad?

  • Writer: Times of Xamar
    Times of Xamar
  • Oct 4, 2024
  • 1 min read

Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa galaya maalintii labaad, iyada oo madaxda ay ka wada hadli doonaan xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga iyo siyaasadda.


Fadhiga manta ayaa waxaa guddooomin doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ay ka qeyb galayaan ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa, madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabeelle, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.


Waxaa shirka diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga, dagaalka lagula jiro AlShabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore.


Sida oo kale, qoddobka sida gaarka ah looga hadli doono ayaa ah hirgalinta doorashada iyo arrimaha la xiriira.


Madaxweynaha Puntland ayaa ka maqan shirkaan golaha wadatashiga qaran tan iyo horaantii 2023, markaasi oo uu sii xooggeystay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.


Shirkaan ayaa ku soo aadaya xilli qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada uu dhammaaday muddo xiloodkoodii, isla markaasna ay mucaaradka codsanayaan in doorasho la qabto.

Comments


Top Stories

Bring global news straight to your inbox. Sign up for our weekly newsletter.

  • Facebook
  • Twitter

© Copyright © 2022  TOX -THE TIMES OF XAMAR. All Rights Reserved.

bottom of page