Maxay tahay tallaabada xigta madaxweynaha kuxigenka dalka
- Times of Xamar
- Oct 9, 2024
- 1 min read
Mudanayaasha baarlamaanka Kenya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in xilka laga qaado madaxweyne ku xigeenka Kenya oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale ku eedeeyay Rigathi Gachagua inuu ku dhaqmayo siyaasad isir ku saleysan oo uu ku wiiqayo dowladda.
Gachagua ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay kadib markii dhawaan ay is khilaafeen madaxweyne William Ruto.
Habeenimadii Talaadada ayuu afhayeenka baarlamaanka Moses Wetangula ku dhawaaqay mooshin xil ka qaadis ah, waxaa xil ka qaadista aqbalay 281 mudane, waxaa diiday 44 mudane, hal mudanena wuu ka aamusay.
Arrintaan ayaa la micno ah in Gachagua uu noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Kenya oo ay baarlamaanka xilka ka xayuubiyaan, inkasta oo ay harsantahay go’aanka aqalka Senetka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu eedeeyay in uu hanti ku helay qaab musuqmaasuq ah, balse khudbad dheer oo uu dhawaan jeediyay ayu uku sheegay in hantidaan oo u badan guryo iyo dhulal uu lahaa walaalkii oo geeriyooday.
Dhawr xildhibaan oo xulafo la ah Gachagua ayay booliisku u yeereen bishii hore, iyaga oo lagu eedeeyay inay maalgaliyeen mudaharaadyada, inkastoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.
Siyaasigaan 59-jirka ah, oo loo yaqaanno “Riggy G”, ayaa eedeymaha ka dhanka ah ku tilmaamay kuwo aad looga caroodo iyo “dacaayad qaawan.

















Comments