top of page

Najma Nashaad oo ka hadashay quruxdeeda

  • Writer: Times of Xamar
    Times of Xamar
  • Sep 26, 2024
  • 1 min read
Najma Cabdinaasir Ciise oo loo garan ogyahay Najma Nashaad waxa ay ka mid tahay fanaaniinta Soomaaliyeed ee sida weyn u soo shaac baxay sanadihii dambe.

Waa fanaanad ay dad badani aad u jecel yihiin marka ay noqoto codkeeda, muuqaallada heeseheeda iyo waliba qurux dabiici ah oo dadku ku tilmaamaan.


Heesaha ay qaaddo oo u badan jacayl ayaa la arkaa in dhallinyaro badani ay aad ula dhacsan yihiin marka laga eegayo dhinaca baraha bulshada.


Najma Nashaad taageerayaasheedu waa kuwo kaliya ka garanaya shaashadaha weliba xilliga ay heeseyso, balse waxaa jirta taariikh nololeed iyo waxyaabo xasuus u leh nolosheeda oo aysan dad badani wax badan ka ogeyn.


Anigu waxa aan ku dhashay dalka Kenya taas oo aysan dad badani ogeyn, waxa aan ku barbaaray magaalada galkacyo, waxaana ku noolahay magaalada Hargeysa, runtii si kale marka loo dhigo waxa aan oran karaa waxa aan ahay Soomaali Sujuu Soomaaliya ku koray”.

“Dad badan waan ka taariikh ficanahay oo marba haddii aan Kenya ku dhashay, Galkacyana ku koray oo aan cabay biyihii Bardcad Hargeysa harwanaagna aan ku koray dee dabcan taariikhba iima harin”, ayey sii raacisay Najma Nashaad.


Nashaad oo sidoo kale mar wax laga weydiiyay quruxda iyo soo jiidashada gaarka ah ee dadku tilmaamaan ayey arrintaasi uga jawaabtay qaab uu kaftan ku dheehan yahay.


Marka ay noqoto quruxdayda iyo waxa ay dadku iga yiraahdaan, runtii waxa ay ka mid tahay hadallada igusoo noq-noqda, laakiin anigu marka aan is qiimeeyay dee dadka ayaan la mid ahay, iima muuqdaan wax gaar ah”, ayey tiri.


THE TIMES OF XAMAR

Comments


Top Stories

Bring global news straight to your inbox. Sign up for our weekly newsletter.

  • Facebook
  • Twitter

© Copyright © 2022  TOX -THE TIMES OF XAMAR. All Rights Reserved.

bottom of page