top of page

Wax ka ogow waxa ay yihiin iyo awoodda ciidanka illaalada kacaanka Iran ee fuliyey weerarka ka caraysiiyey Maraykanka

  • Writer: Times of Xamar
    Times of Xamar
  • Sep 26, 2024
  • 3 min read

Illaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradii gantaallada ahaa ee lala beegsaday bartilmaameedyo u dhow magaalada Erbil ee waqooyiga Ciraaq habeenkii Isniinta.


weerarka ayaa sababay dhimashada afar qof oo raydi ah iyo dhaawac lix kale sida ay sheegeen maamulka gobolka Kurdistan


Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarradan, waxaana bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka lagu yiri, “Waxaan ka soo horjeednaa gantaallada aan ka fiirsiga lahayn ee Iran ay fulisay, kuwaasoo wiiqaya xasilloonida Ciraaq.


Duqeymahan ayaan lala beegsan xarumaha Mareykanka, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada Mareykanka, sida ay laba sarkaal oo Mareykan ah u xaqiijiyeen wakaaladda wararka ee Reuters.


Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in weerarkooda lala beegsaday "xarumo basaasnimo iyo isku imaatin ay leeyihiin kooxaha argagixisada ah ee ka soo horjeeda Iran" oo ku yaal magaalada Erbil ee Ciraaq, taas oo ay beeniyeen mas'uuliyiinta gobolka, oo sheegay in duqeynta lala beegsaday guriga ganacsade Kurdish

ah. ee Erbil.


Si ooga jawaabo su,aasha ah maxay yihiin ciidamada ilaalada kacaanka ayaa u baahanaysaa in dib loo eego asaaskii ciidankan iyo u jeedada loo sameeyey.


Ciidankan ayaa la asaasay sanadkii 1979-kii si loo ilaaliyo nidaamka cusub ee soo baxaya iyo in la abuuro nooc ka mida dheelitirka awoodda ciidamada qalabka sida ee Iran.


Awooda ciidamada Ilaalada Kacaanka

Ka dib dhicidii awoodii boqortooyadii Shah ee ka talin jaray Iran, mas'uuliyiinta cusubi waxay ogaadeen inay u baahan yihiin ciidan weyn oo u heellan hadafyada nidaamka cusub iyo inay difaacaan qiyamka iyo mabaadi'da kacaanka.


hogaamiyashu waxay diyaariyeen xeer cusub oo ay ku jiraan ciidamada caadiga ah ee milateriga, kuwaas oo loo igmaday ilaalinta xuduudaha dalka iyo ilaalinta amniga gudaha, iyo ciidamada ilaalada kacaanka (Pasdaran) oo loo xilsaaray ilaalinta nidaamka talada haya.


Dhinaca dhulka, doorka labada ciidan ee aan kor ku soo xusnay ayaa had iyo jeer is dulsaaran. Tusaale ahaan, Ilaalada Kacaanku waxay sidoo kale fulisaa hawlaha kaalmaynta ilaalinta amniga guud, waxayna si joogto ah u xoojiyaan ciidamadooda, kuwa badda iyo cirka.


Muddo ka dib, Ilaalada Kacaanku waxay isu beddeleen cudud ciidan, oo ku sidkan hab siyaasi ah iyo mid dhaqaale gudaha Iran taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Jacfari, ayaa kaalin weyn ka qaata fulinta hawlihii uu u igmado Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka.


Waxaana markii danbe la isku biiriyey ciidamada ‘Baasij’ oo ah ciidamada gaara iyo kuw ilaalada kacaanka kuwaas oo wax laga beddelay istiraatijiyadda cusub ee ciidamada kacaanka oo hoos tagaya awaamiirta hogaamiyaha sare.


Hawsha ugu weyn ee ciidamada Kacaanka hadda waa in marka hore laga hortago khataraha cadawga gudaha, iyo in ciidanka laga caawiyo sidii ay uga hortagi lahaayeen khataraha dibadda.


Tirada cidamada Ilaalada Kacaanka ayaa lagu qiyaasaa ilaa 125,000, waxaana ay leeyihiin ciidamo dhulka ah, marka laga soo tago cutubyo ka tirsan ciidamada badda iyo kuwa cirka, waxaana ay kormeeraan hubka istiraatiijiga ah ee Iran


Ciidamada Basij ee Iran

Ciidamadan waxa loo yaqaanka kuwa ciidanka abaabulka ama xoogaga wadaniyiinta waxayna ku xiran yihiin Ilaalada Kacaanka Iran kuwaas oo la rumaysan yahay inay ka kooban yihiin ilaa 90,000 oo rag iyo dumarba ka koobaan, kuwas oo awood u leh inay abaabulaan ilaa hal milyan oo mutadawiciin ah marka loo baahdo.


Shaqooyinka ugu muhimsan ee ay qabtaan xoogagan abaabulan ee Basij waxaa ka mid ah inay ka hortagaaan dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah maamulka ee ka jira gudaha Iran, sida dhacday sanadkii 2009-kii markaas oo rabshado ka dhaceen gudaha dalkaas ka dib markii lagu dhawaaqay in Maxamuud Axmed Najad ku guulaystay doorashadiii dhacday.


Xubnaha Basij ayaa ka horyimid banaanbaxa lagu taageerayay musharaxa kale ee Mirhossein Mousavi


Comments


Top Stories

Bring global news straight to your inbox. Sign up for our weekly newsletter.

  • Facebook
  • Twitter

© Copyright © 2022  TOX -THE TIMES OF XAMAR. All Rights Reserved.

bottom of page