top of page

Ma cuni laheyd cayayaanka, hadii ay leeyihiin dhadhan macaan?

  • Writer: Times of Xamar
    Times of Xamar
  • Sep 28, 2024
  • 2 min read
Waa sida noocyada kala duwan ee doolshaha,” ayuu yiri cunto kariyihii oo ku dhiirogeliyay nin miiska cuntada laga qaato taagnaa si uu isugu dayo nooc ka mid ah cayiyaanka ee loo yaqaan kabajaan.

Waxaa loo keenay saxan ay ka buuxaan kabajaan bisbees lagu shubay iyo noocyo kale oo ka mid ah xasharaadka.


Cuntooyinka kale waxba kama duwaneen marka laga reebo in cunto kasta ay la socoto nooc ka mid ah cayiyaanka.


In ka badan 600 oo isugu jira seynisyahanno, dadka deegaanka aqoonta u leh iyo ganacsato ka kala yimid adduunka ayaa isugu yimid Singapore. Ujeedka safarkooda ayaa ahaa sidii ay cayiyaanka uga dhigi lahaayeen cunto macaan. Waxay ka qeybgalayen dhammaantood shir la doonayay in dunida lagu quudiyo cayiyaanka.

Dad gaaraya ilaa iyo labo bilyan oo ah rubuc dadka dunida ku nool ayaa cayiyaanka cuna maalin kasta sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.


Waxaa la doonayaa in dad badan ay ku soo biiran sida ay sheegeen kooxaha u ololeeyaya in cunista cayiyaanka ay tahay mid caafimaadka u wanaagsan.


“Waa in aad diraadda saarnaa sidii aan dhadhan ugu yeeli laheyn”, ayuu yiri Yoon oo ah cunto kariye deggan New York oo dadkii shirka ka soo qeybgalay u diyaariyay cunto uu ku jiro kabajaan.


“Fakarka ah in cayiyaanka ay yihiin cunto joogto loo heli karo oo nafaqo badan leh waxay wax ka qaban kartaa cunto yarid iyo waxyaabaha la midka ah” ayuu markale yiri cunto kariye Yoon.

Cilmibaaris ayaa lagu ogaaday in Kabajaanka uu leeyahay borotiin badan, in la xanaaneeyana uma baahno biyo badan iyo dhul marka la barbardhigo xoolaha aan hadda dhaqano.


Dalalka qaar ayaa dhiirogeliyay in la cuno cayiyaanka balse heerka dhiirogelintooda ayaan aheyn mid sidaa u weyn. Singapore waxay dhawaan ogolaatay in cunto laga dhigto 16 nooc oo ay ku jiraan doolshaanka, kabajaanka iyo shinida.


Dalal aan badneyn oo ay ku jiraan Midowga Yurub, Australia, New Zealand, Kuuriyada Koonfureed iyo Thailand ayaa weli wada nidaaminta cayiyaanka la cunikaro. Ganacsiga cayiyaanka ayaa lagu qiyaasay in uu ku fadhiyo $400 milyan ilaa iyo $1.4 bilyan.

Comments


Top Stories

Bring global news straight to your inbox. Sign up for our weekly newsletter.

  • Facebook
  • Twitter

© Copyright © 2022  TOX -THE TIMES OF XAMAR. All Rights Reserved.

bottom of page