top of page

Ugu yaraan 22 ayaa ku dhintay weerar ay Israa'iil ku qaadday dhismaha dugsiga Gaza

  • Writer: Times of Xamar
    Times of Xamar
  • Sep 26, 2024
  • 1 min read

In ka badan 22 qof, oo badidood ay haween iyo carruur yihiin, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ku qaaday iskuul Sabtidii, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiin, iyadoo Israa’iil ay sheegtay inay bartilmaameedsatay dagaalyahannada Xamaas ee iskuulka ku dhuumanayay.


Afhayeenka Difaaca Madaniga ee Gaza, Maxamuud Basal, ayaa sheegay in gantaalku ku dhacay Iskuulka Al-Zaytoun oo ku dhow Magaalada Gaza, halkaas oo kumannaan qof ku soo barakaceen.

Xafiiska Warbaahinta Dowladda ee Gaza ayaa sheegay in 13 carruur ah, oo uu ku jiro ilmo saddex bilood jir ah, la dilay. Carruur kale ayaa u baahan qalliin lagu gooyo xubnooda, sida uu sheegay GMO.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in iskuulka loo isticmaalay xarun talis oo Xamaas ay ku shaqeyso, tallaabooyinna la qaaday si looga fogaado khasaaraha shacabka.


Diyaaradaha ayaa “si sax ah u weeraray dagaalyahannada Xamaas ee ka howlgeli jiray xarun talis iyo maamul oo ku dhex tiil iskuulkii hore ee Al-Falah,” sida ay sheegeen Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF).


“Xarunta taliska iyo maamulka, oo ku dhex taalay iskuulkii hore ee Al-Falah, waxaa u isticmaalay dagaalyahannada Xamaas inay qorsheeyaan oo fuliyaan weerarro argagixiso.”


IDF ayaa inta badan ku eedeysa Xamaas inay ka howlgasho iskuulo iyo isbitaallo ay ku fuliyaan hawlgalladooda.


ma awoodo inay xaqiijiso in saraakiil ka tirsan Xamaas ay ku sugnaayeen xarunta iyo in kale. IDF ayaa marar badan ku eedaysay Xamaas inay adeegsato iskuulo iyo isbitaalo ay ka hagaan howlaha.


Comments


Top Stories

Bring global news straight to your inbox. Sign up for our weekly newsletter.

  • Facebook
  • Twitter

© Copyright © 2022  TOX -THE TIMES OF XAMAR. All Rights Reserved.

bottom of page