top of page

Xizbullah oo gantaallo culus maanta ku garaacay ISRAEL

  • Writer: Times of Xamar
    Times of Xamar
  • Sep 29, 2024
  • 1 min read

Beirut (The Times Of Xamar) – Milatariga Israel ayaa sheegay in tobaneeyo gantaallo ah maanta Israel looga soo weeraray dhinaca Lubnaan, iyadoo ururka Xizbullah uu sheegay in uu bartilmaameedsaday saldhigyada ciidamada Israel.


“Qiyaastii 140 gantaal ayaa laga soo tuuray Lubnaan saacad gudaheed, laga soo billaabo 1:02 duhurnimo,” ayay afhayeen u hadashay milatariga Israel u sheegtay AFP.


Weerarka ayaa yimid ka dib markii milatariga Israel ay sheegeen in ay xalay daraasiin gantaalo ah ku garaaceen goob laga soo rido gantaallada oo ay sheegeen in loo diyaariyey in laga soo weeraro Israel.


Ururka Xixbullah ayaa sheegay in ay gantaallo badan ku garaaceen saldhigyada ciidamada Israel, iyaga oo uga aargudanaya duqaymaha koonfurta Lubnaan, xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka dhalatay qaraxyo ka dhashay aalado isgaarsiin oo lala beegsaday Xizbullah.


Kooxda ayaa sheegtay in ay “gantaallada Katyusha” ku garaacday ugu yaraan lix “xarumaha ciidamada” Israel iyo saldhigyo ah, oo uu ku jiro “saldhiga difaaca cirka ee ugu weyn”.


Israel weli kama aysan ka hadal qaraxyada ruxay Lubnaan toddobaadkan.

Muddo ku dhow sanad, ciidamada Israel waxay dagaal xooggan kula jireen kooxda Xamas ee Falastiiniyiinta, balse waxay si ku dhow maalinle ay gantaallo xuduudda isugu waydaarsanayeen Xizbullah.


Weerarada xuduudda ayaa waxay boqolaal qof ku dileen gudaha Lubnaan, kuwaas oo badankood ah dagaal-yahano, halka sidoo kale daraasiin ay ku jiraan askar ay ku dhinteen Israel.


Sidoo kale, tobanan kun oo shacab labada dhinac ah ayaa waxaa qasab ku noqday inay ka qaxaan guryahooda xuduudda.


Comments


Top Stories

Bring global news straight to your inbox. Sign up for our weekly newsletter.

  • Facebook
  • Twitter

© Copyright © 2022  TOX -THE TIMES OF XAMAR. All Rights Reserved.

bottom of page